Ministry of Health Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo uu wehliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faatax Fiidow ayaa daahfuray ololaha Tallaalka caruurta ka yar shanta sano ee aan helin dhamaystirka Talalka joogtada ah sanadahii lasoo dhaafay.

Daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Duqa Caasimadda Galmudug Abdirahman Geedaqorow, Xildhibaano katirsan Galmudug Qaar kamid ah Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug heerarkeda kala duwan, Dhaqaatiir, Ururada Bulshada sida Haweenka iyo Dhalinyarada.

Ololahan cusub ayaa ujeedkiisu tahay kor u qaadista tirada caruurta ka yar shanta sano ee loo dhamaystiray Talaalka joogtada ah ee lagaga hortagayo xanuunada ku dhaca caruurta.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo si rasmi ah u furay munaasabada ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay tallaalku asagoo kula dardarmay Bulshada in ay caruurta inta ay ka yaryihiin shanta sano lasiiyo Tallaalka si loo yareeyo halista cudurada faafa ee looga hortagi karo talaalka, sidoo kale Madaxweynaha ayaa xoojiyay in loo baahanyahay wacyi galin Bulsho oo intaan ka heersareysa si looga guul gaaro qaadashada talalka ayadoo loo marayo Heerarka Wacyi galinta Bulshada.

Wasaradda Caafimaadka Dowladda Galmudug waxey bulshadeeda ku wacyagalineysaa iney kafaa’ideystaan adeegga tallaal bixinta ee dhawaan ka bilaaban doona Degmooyinka iyo Deeganada Galmudug

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *