Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa akhriyey war-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha 1aad ee Maalgelinta Caafimaadka Galmudug, kaas oo lagu soo gabagabeeyay caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, iyo bahda caafimaadka, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta maalgelinta, horumarinta adeegyada caafimaadka, iyo tayeynta nidaamka daryeelka bulshada.

War-murtiyeedka lagu soo bandhigay madasha ayaa lagu muujiyay muhiimadda kordhinta maalgelinta caafimaadka, xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyo hirgelinta qorshayaal waara oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee bulshada Galmudug.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in shirkan uu door muhiim ah ka qaadanayo horumarinta nidaamka caafimaadka, isagoo xusay in natiijooyinka ka soo baxay lagu saleyn doono qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda.

Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Ahmed Abdi Kaariye, oo bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana dhiirrigeliyay sii wadidda horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Watch the official video from the Galmudug Health Financing Conference.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *