
Rome, Talyaaniga – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Hoggaaminta Caalamiga ah (ILP) oo lagu qabtay magaalada Rome.
Barnaamijkan oo ay ka qeybgaleen wufuud ka kala socotay in ka badan 30 dal, ayaa diiradda saaray arrimaha hoggaaminta, diblomaasiyadda, xuquuqda aadanaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dr. Abdiwali ayaa sheegay in ka qeybgalka barnaamijkan uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka caafimaadka Galmudug, isagoo xusay in casharro muhiim ah laga bartay hoggaaminta ku dhisan xuquuqda aadanaha, iskaashiga caalamiga ah iyo adkeysiga hay’adaha.
“Ka qeybgalka barnaamijkan wuxuu noo furayaa fursado cusub oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Galmudug, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah,” ayuu yiri Dr. Abdiwali.
Waxa uu sidoo kale xusay in aqoonta laga helay barnaamijkan loo adeegsan doono xoojinta adeegyada caafimaadka iyo horumarinta maamul hufan oo wax ku ool ah.
Ugu dambeyn, wuxuu u mahadceliyay hay’adda Voice For Rights International iyo dhammaan ka qeybgalayaasha barnaamijka.







