
Geneva, Switzerland – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Mudane Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 78-aad ee Caafimaadka Adduunka (World Health Assembly – WHA78), oo ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ah madal caalami ah oo ay isugu yimaadaan wasiirrada iyo madaxda caafimaadka dalalka xubnaha ka ah WHO, si looga wada hadlo xoojinta nidaamyada caafimaadka, dejinta siyaasadaha caalamiga ah, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee dunida.
Intii uu socday shirku, Agaasimaha Guud wuxuu ka qeyb galay dooddo heer caalami ah oo diiradda lagu saaray horumarinta caafimaadka adduunka, gaar ahaan xaaladda adeegyada caafimaadka Soomaaliya iyo iskaashiga caalamiga ah ee WHO.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah daneeyayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, si loo xoojiyo taageerada adeegyada caafimaadka Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha dhaqaale ee saameeyay nidaamka caafimaadka.
Shirweynaha WHA78 ayaa sanadkan diiradda saaraya xoojinta nidaamyada daryeelka caafimaadka, iskaashiga caalamiga ah, iyo diyaarinta istaraatiijiyado wax looga qabanayo caqabadaha caafimaad ee caalamka.




