Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa maanta Qado-sharaf ugu sameeyey Beerta Capital Garden, madaxda iyo martida ka qeyb-galaysa Shirka Cilmi-baarista ee Heritage.
Qado-sharaftan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, Maayarka Caasimadda Dhuusamareeb, wasiiro, xildhibaano, aqoonyahanno, marti sharaf kale iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda iyo kuwa cilmi-baarista.
Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowlad-goboleedka Galmudug, iyagoo carrabka ku adkeeyey in guulahaasi ay yihiin miro ka dhashay dadaallada joogtada ah, midnimada, wadajirka iyo is-kaashiga shacabka reer Galmudug. Waxa ay sidoo kale xuseen doorka hoggaamineed ee Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo hormuud u ah jihaynta iyo dardargelinta horumarka Maamulka Galmudug.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa martida uga mahadceliyey sida quruxda badan ee ay u soo ajiibeen qado-sharafta. Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay si buuxda uga qeyb qaadan doonto madasha cilmi-baarista ee Heritage.




