Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Galmudug oo ka qeybgalay Barnaamijka Hoggaaminta Caalamiga ah ee Rome

Rome, Talyaaniga – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed, ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Hoggaaminta Caalamiga ah (ILP) oo lagu qabtay magaalada Rome. Barnaamijkan oo ay ka qeybgaleen wufuud ka kala socotay in ka badan 30 dal, ayaa diiradda saaray arrimaha hoggaaminta, diblomaasiyadda, xuquuqda aadanaha iyo iskaashiga caalamiga …