Ministry of Health Galmudug

Xeraale

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiweli Abdullahi Jama oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug Mudane Abdirahman Mohamed Dirie(Makaawi), Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Degmada Xeraale iyo Madaxda Hay’adda SAVE THE CHILDREN Xafiisyadeeda Koonfurta iyo bartamaha iyo Galmudug ayaa Xariga ka jaray Isbitaalka Guud ee Degmada Xeraale oo si casri ah loo dhisey.

Dhismaha Isbitaalkaan oo ka kooban 26 qol iyo 8 Musqulood ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Hay’adda SAVE THE CHILDREN iyo Bulshada ku dhaqan Xeraale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiweli Abdullahi Jama oo xarigjaray Isbitaalka Guud ee Degmada Xeraale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey Hay’adda SAVE THE CHILDREN iyo Madaxdeeda taageerada ay la garab taaganyihiin Wasaaradda ee dhanka Adeeg bixinta Caafimaadka iyo Kaabayaashaba, Wasiirka ayaa sidoo kale xusey in maanta kadib Isbitaalkaan sida casriga ah loo dhisey loogu adeegi doono dadka Degmada Xeraale iyo tuulooyinka hoosyimaada ku nool, ayna ka heli doonaan adeeg Caafimaad oo heersare ah.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa sidoo kale xusey in Dhisida iyo casriyeynta Isbitaalada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Galmudug ay kamid tahay howlaha baaxada leh ay xooga saarayeen saddexdi sano ee lasoo dhaafay ayna halkeeda kasii wadi doonaan si sare loogu qaado Adeeg bixinta Caafimaadka ee Guud ahaan Galmudug.