Ministry of Health Galmudug

Shirka Dib-u-eegista iyo Qorsheynta Sanadlaha ee Unicef

Wasiirka Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa Xarunta Dhexe we Wasaaradda ka Ka daah furey shirka dib ueegista sanadka dhamaanaya iyo mashaariicda caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda UNICEF.

Shirka inta uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira xaaladda guud ee caafimaadka Galmudug, Caqabadaha jira, si looga guul gaaro dhamaan qorshayaasha sanadkaan sii dhamaanaya ee 2024 iyo sanadaha soo socdaba.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay hey’ada UNICEF fulinta mashaariicda waxtarka u leh adeegyada Caafimaadka ee Galmudug ku bixineyso isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Wasaarada Caafimaadka Galmudug uga go’antahay in la horumariyo adeegyada Caafimaadka ee Galmudug iyadoo la kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaarada.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa bogaadiyey dadaalada horumarinta Caafimaadka iyo wadashaqeynta wanaagsan ee Hey’adda UNICEF la leedahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug isagoo dul istaagay arimaha hortebinta u leh Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

—————-

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐬𝐢𝐫 𝐍𝐨𝐫 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝

Madaxa Xafiiska Teknologiyadda iyo Warbaahinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Email: communications@moh.gm.so

Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo xariga ka jaray Xarumo Caafimaad oo laga hirgaliyey Deegaanada Deeqla iyo Mircowleed

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Maxamuud Axmed Maxamed oo ay wehliyaan Agaasimaha Caafimaadka Bulshada mudane Cabdullaahi Warsame Abtidoon, Madaxa Iibka iyo Saadka ee Wasaaradda mudane Axmed Cabdullaahi Cabdulle, Isku Duwaha Cafamaadka Degmada Galinsoor Cumar Bariise, Howlwadeeno Wasaaradda ka socday iyo Gudoomiye ku xigeynka Degmada Galinsoor ayaa xariga ka jaray xarumo cusub oo loogu tala galay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka kuwaas oo laga hirgaliyey Deeganada DEEQLA IYO MIRCOOWLEYD,

Xarumahan ayaa lagu dhisay is xilqaan Bulsho ayadoo Wasaraduna waxa ay ka taageri doontaa agabka Caafimaadka iyo sidii ay tayadooda u hubin laheed

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Maxamuud ayaa bulshooyinka Deeqla iyo Mircoowleyd ku amaanay sida ay uga go’an tahay in ay bulshadu hesho xarumo caafimaad oo haqab tiri karta baahida caafimaad ee deegaanadaas ka jirta ka Wasaarad Caafimaad ahaana ay diyaar latahay xuquuqdii ay ku lahaayeen Bulshada Degaanadaas sheegayna in ay Wasaaraddu in ay u taagan tahay sidii loo baahin lahaa adeegyada Caafimaadka

—————-

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐬𝐢𝐫 𝐍𝐨𝐫 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝

Madaxa Xafiiska Teknologiyadda iyo Warbaahinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Email: communications@moh.gm.so

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiweli oo soo xirey tababar la xariirta hooyada iyo dhallaanka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa soo xirey tababar la xiriira hooyada iyo dhalaanka.

Tababarkan oo muddo shan cishe ah uga socday magaalada Dhuusamareeb shaqaalaha caafimaadka qeybta hooyada iyo dhalaanka ayey u jeedadiisu eheed in sare loogu qaado aqoonta shaqaalaha iyo tayada adeega caafimaadka.

Munaasabada xiritaanka tababarka oo ay Agaasimaha ku wehliyeen madaxda barnaamijka hooyada iyo dhalaanka ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug, Madax ka socotey Hay’adda Caalamiga ah ee IOM iyo Lataliye Sare ee Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federalka Somalia Dr Abdi Majid Said Siyad iyo Dr Adna Farah Abdi-Diaspora expert ayuu agaasimuhu kula dardaraamay shaqaalaha loo tababaray inay hooyada iyo dhalaanka u adeegaan, Agaasimaha ayaa ku booriyey shaqaalaha inay marwalba niyada ku hayaan masuuliyada culus ay xanbaarsanyihiin ee la xiriirta yareynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Agaasimaha ayaa si weyn ugu mahadceliey Hey’adda IOM gaar ahaan mashruuca MIDA FINNSOM oo Wasaarada ka taageertey tababarkan muhiimka ah.

Ugu danbeyn, Agaasimaha ayaa gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku muteysteen ka qeybgalka iyo dhameestirashada tababarka Hooyada iyo Dhalaanka dhamaan shaqaalihii kasoo qeyb galay tababarkaan.

—————-

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐬𝐢𝐫 𝐍𝐨𝐫 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝

Madaxa Xafiiska Teknologiyadda iyo Warbaahinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Email: communications@moh.gm.so

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo daahfurey ololaha talaalka caruurta kayar 5 ta sano

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo uu wehliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faatax Fiidow ayaa daahfuray ololaha Tallaalka caruurta ka yar shanta sano ee aan helin dhamaystirka Talalka joogtada ah sanadahii lasoo dhaafay.

Daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Duqa Caasimadda Galmudug Abdirahman Geedaqorow, Xildhibaano katirsan Galmudug Qaar kamid ah Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug heerarkeda kala duwan, Dhaqaatiir, Ururada Bulshada sida Haweenka iyo Dhalinyarada.

Ololahan cusub ayaa ujeedkiisu tahay kor u qaadista tirada caruurta ka yar shanta sano ee loo dhamaystiray Talaalka joogtada ah ee lagaga hortagayo xanuunada ku dhaca caruurta.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo si rasmi ah u furay munaasabada ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay tallaalku asagoo kula dardarmay Bulshada in ay caruurta inta ay ka yaryihiin shanta sano lasiiyo Tallaalka si loo yareeyo halista cudurada faafa ee looga hortagi karo talaalka, sidoo kale Madaxweynaha ayaa xoojiyay in loo baahanyahay wacyi galin Bulsho oo intaan ka heersareysa si looga guul gaaro qaadashada talalka ayadoo loo marayo Heerarka Wacyi galinta Bulshada.

Wasaradda Caafimaadka Dowladda Galmudug waxey bulshadeeda ku wacyagalineysaa iney kafaa’ideystaan adeegga tallaal bixinta ee dhawaan ka bilaaban doona Degmooyinka iyo Deeganada Galmudug

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo gaari Ambalaas ah ku wareejiyey Isbitaalka Gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dr.Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa ku wareejisay qalab caafimaad Isbitaalka Weyn ee Gobolka Galgaduud

Qalabkaan caafimaad ee lagu wareejisay Isbitaalka ayaa kala ah

1. Ambalaas (Ambulance )

2. Raajo casri ah (X-Ray)

3. Kumbiyuutarka Calool kujirta (Ultrasound)

4. Kumbiyuutarka wadnaha ( ECG)

5. Qalabka sheybaarka

Munaasabadsa wareejinta qalbka ayaa waxaa Sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiilka Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ee Galmudug Dr Mohamed Adam Alinor (Shaakir)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa u mahadceliyay Hay’adda caafimaada aduunka (WHO) oo keentay qalabkaan Caafimaad isagoo sheegay inuu qalabkaan uu wax ka badali doono adeega caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalku iyo Sidoo kale dhamaan adeega caafimaad ee galmudug .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey wafdi kasocda Hay’adda WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Daahir Faarax Fiidow iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa si diirran Xarunta Wasaaradda uguso dhaweeyay wakiilka hay’adda caafimaadka aduunka ee Soomaaliya Dr. Rene iyo madax kale oo safarka ku wehliyey.

Kulanka ayaa lagaga hadlay in la kordhiyo tageerada WHO ee Galmudug iyo sidii loo dardar galin lahaa in Adeegyo Caafimaad ay helaan dadka ku nool deegaanada la xoreeyay iyadoo howshaas ay ka wada shaqaynayaan Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug iyo hay’ada WHO.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa jeediyey waxyaabihii ay WHO ka taageertay Wasaaradda Caafimaadka iyo Caqabadaha wali taagan ee dhanka adeeg bixinta iyo xoojinta hanaanka Wasaaradda Caafimaadka. Agaasimaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan Degmooyin iyo Deegaano uu wali adeegga caafimaadku ku yar yahay oo ay ugu horeeyaan degmooyinkii dhawaan la xoreeyay ee Ceeldheer iyo Xarardheere.

La taliyaha Wasaaradda Caafimaadka mudane Cumar Cabdi ayaa jeediyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qaab dhismeedka Wasaaradda iyo hanaanka Caafimaadka asigoo xusay in hanaanka Wasaaradda dib u habeyn weyn lagu sameeyey shaqaalahana tababaro loo sameeyey taas oo suurta galisay hufnaanta shaqo, baahinta iyo dardar gelinta adeegga caafimaadka.

Wakiilka WHO ee Soomaaliya Dr. Rene ayaa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug uga mahadcelisay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay iyada iyo wafdiga kale ee safarka ku wehliya. Dr. Rene ayaa sheegtay in ay dadaalada Wasaaradda Caafimaadka iyo caawinaadda hay’adaha caalamiga ah suurta galiyeen in xaaladaha caafimaad ee deg degga ah sii yaraanayaan taas oo suurta galineysa xoojonta hanaanka caafimaadka si loogu gudbo xal caafimaad ee waara. Wakiilka WHO ayaa qirtay ka go’naasheheeda bixinta iyo u qaareemidda helitaanka adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa uga mahadceliyey hay’adda caafimaadka wadashaqeynta soo jireenka ah iyo ka taageeridda wasaaradda bixinta adeeg caafimaad oo hufan. Wasiirka ayaa xusay horumaradii ay wasaaraddu sameysay iyadoo taageero ka heleysa hay’adaha caalamiga ah oo ay WHO kamid tahay iyo kuwa maxaliga ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Galmudug waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Galmudug

𝐀𝐆𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐆𝐀𝐋𝐌𝐔𝐃𝐔𝐆 𝐌𝐔𝐃𝐍𝐀𝐄 𝐃𝐑. 𝐀𝐁𝐃𝐈𝐖𝐀𝐋𝐈 𝐌𝐎𝐇𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐇𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐃𝐃𝐄𝐗 𝐁𝐈𝐋𝐎𝐎𝐃𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐅𝐀𝐑𝐒𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa ayaa furey Shirka Saddex Biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Galmudug

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, madax Qeybeedyada, Howlwadeenada xogta cafimaadka Heer gobol iyo heer Degmo iyo Hay’daha ka shaqeeya maareynta xogta Cafimaadka.

Ujeeda shirkan ayaa ah kor u qaadista iyo ka wada shaqeynta arimaha la xariira xogta caafimaadka ee Dowladda Galmudug.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa bogaadiyay shaqada iyo dadaalka quruxda badan ee had iyo goor ay wadaan shaqaalaha ka shaqeeya Xogta Caafimaadka ee heer degmo iyo heer gobol asaga oo ugu dambeyn kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha dardar gelinta iyo joogtaynta Xog Caafimaad oo dhamaystiran

𝐖𝐀𝐅𝐃𝐈 𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐎𝐁𝐀𝐘 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐃𝐇𝐔𝐒𝐀𝐌𝐀𝐑𝐄𝐄𝐁.

Kulan uu shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayna qeyb ka ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha ayay shir muhiim ah kula yeesheen Wafdi uu horkacayey ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hay’adda UN-OCHA Soomaaliya Mr René Nijenhuis iyo Xubno sare oo ka socday Hay’adda.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug waxaana kasoo qeeybgalay Wasaradaha, Waxbarashada, Biyaha, Deegaanka, Beeraha iyo Gudiga Barakacayaasha Galmudug

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayay kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Gargaarka, Xasilinta, Waxbarashada,Caafimaadka iyo Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaaradaha Galmudug

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jamaac ayaa bogaadiyey dadaalada iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Hey’adda UNOCHA la leedahay Wasaaraddaha Galmudug, isagoo sidoo kale uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Dhusomareb,

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo xariga ka jaray xarun cusub oo lagu soo kordhiyey Isbitaalka Degmada Gadoon

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo ay wehliyaan Wasiir Dowlaha Wasaaradda mudane Daahir Faarax Fiidow Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo Gudoomiyaha Degmada Gadoon ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu tala galay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka

Xaruntaan ayaa lagu soo kordhigey Isbitaalka Degmada Gadoon Waxaana si isku tashi ku dhistay Bulshada Degmada Gadoon Wasaaraduna waxa ay ka caawisay qalabeynta iyo shaqaaleysiinta xirfadlayaal caadimaad oo aqoontoodu sareyso.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa bulshada reer Gadoon ku amaanay sida ay uga go’an tahay in ay bulshadu hesho xarun caafimaad oo haqab tiri karta baahida caafimaad ee deegaanka ka Wasaarad Caafimaad ahaana ay diyaar katahay xuquuqdii ay ku lahaayeen Bulshada reer Gadoon sheegayna in ay Wasaaraddu mar dhow u soo magacaabi Madaxa Caafimaadka Degmada

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey degmo-nimada Gadoon.