Dhusamareb, April 10, 2023;
Wafdi heer sare ah oo ka socday Hey’adaha Qaramada midoobay (National clusters) ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee gobolka Galgaduud.
Wafdigaan ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka sida qeybta silsiladda talaalka qaboojisa, qeybta talaal bixinta, qeybta bukaan socodka, farmashiyaha, sheybaarka iyo qeybta bukaan jiifka iyagoo qiimeyn ku sameeyay adeegyada uu isbitaalku bixiyo, bukaanada ku jira iyo xirfadlayaasha caafimaad ee ka howl gala.
Agaasimaha isbitaalka Dr Abuukar Ali Farah ayaa ka war bixiyey adeegyada uu isbitaalku bixiyo, cudurada ugu badan ee uu isbitaalku diiwaan galiyey bilihii lasoo dhaafay, caruurta nafaqa yarida la ildaran ee isbitaalka la keeno iyo adeegyada dheeriga ah ee uu isbitaalku u baahan yahay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo wafdigaan soo dhoweeyay ayaa uga mahadceliyey kuna amaanay booqashadoda iyo dadaalka ay ugu jiraan sare u qaadista adeegyada caafimaad. Agaasimaha aya sharaxaad kooban ka bixiyey shaqada uu Isbitaalka qabto, dayactirka, tayeynta iyo adeeg kordhinta lagu sameeyay halkii sano ee lasoo dhaafay asigoo sheegay inuu Isbitaalku ubaahanyahay qalabka tamarta qoraxda (solar system) iyo Bangiga Dhiiga,Ambulance iyo qalab kale oo casri ah.